Friday, March 3, 2017

Wabiga Shabelle ee dhexmara magaalada Jowhar.

Halkani waa goob ay siweyn u garanayaan Dhamaan reer Jowhar iyo cidkasta ee tagtay magaalada Jowhar.Waa salax dhagax ah ee isa dul saaran sida jaran-jarada Sedex jeer ee ku dhexyaal wabiga dhexdiisa.




Waxaa dhisay Gumeeystihii Talyaaniga oo ugu tala galayay ineey biyo hakin u noqoto beerihii Qasabka ahaa ee laga sameyn jiray Sonkortii ay soo saari jirtay Warshaddii Sonkorta Isnaay "SNAI", sidoo kalena ay ka faa'ideystaan beeraleeyda kle.

Waxaa loo yaqaan "Xiintooyda" , magacaasi waxa uu ka tarjumayaa dhawaqa ay sameeyso marka wabigu biya yareeyo islamarkaana buuqa magaaladu dago sida Habeen badhka. Waxa ay sameeysaa dhawaq magaalada inteeda badan laga maqlo.

Waxa ka baxa dhagaxa kahor laba Kanaal oo midina uu dhanka bari u biyo qaado midna dhanka Galbeed, kanaaladaasi biyo la'aan ma noqdaan inta wabigu biyo sido sikasta uu u biya yareeyana iyagu biyo ayeey leeyihiin, marka laga reebo biyaha wabiga oo dhammaada sida labadii sano u danbeysay dhacday.

Beeraha ku teedsan labadaasi Kanaal waxa ay ka qiimo badan yihiin beeraha kale oo dhan, maadaama xilli kasta loo heli karo biyo lagu waraabiyo dalagyada.

Jowhar oo caan ku ah dalagga bariiska islamarkaana ah dalag u baahan biyo badan ayaa intooda badan waxa lagu beeraa agagaarka labadaasi kanaal ee aan kor kusoo sheegay taasoo ahmiyad gaar ah u yeeleeysa beerahaasi.


2 comments:

  1. Waa qormo aad u muhiim ah lana qoray xili baahi wayn loo qabo inan barano dalkeena'mahadsanid #Sadam Abdi

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigaa mudan saaxiib qaali ah Adam Osman. Waa muhiim in la baro Umadda Soomaaliyeed deegaanada aan garaneeyno.

      Delete