Thursday, August 10, 2017

Adna qeeybtaada Qabo

Qeybo badan oo kamid ah Dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan  dadaallo wax ku ool ah, si loo gaaro nidaam hufan oo dadkoo dhan u siman yihiin, waloow ay jiraan qeybo kale oo dadaalkoodu liito islamarkaana aan gaarsiisneyn halkii loo haminayay.

Hanaqaadka dowladeed howshiisa ma fudada, sida aad ka dhehan karto dadyoowga sideenna oo kale soo maray colaadaha iyo murannada ku saleeysan sad-buursiga.

Burburkii dowladdii Soomaaliya kadib, waxaa jiray dadaallo badan oo lagu bixinayay sidii loo heli laha dowlad ay dadka oo idil ku mideeysan yihiin, waxa dadaalladaasi oo kala ceyn ahaa maanta laga dhaxlay Dowladda iminka jirta ee ay Caalamka oo idil aqoonsan yihiin jiritaankeeda.

Ma doonayo inaan ka faalloodo Muddadii dowlad raadinta, hayeeshee qormadani waxa aan ku cabiri doonaa waxqabadka dowladda iyo waxa umadda lagudboon.

Hab-dhaqanka madaxda hogaamineeysa dowladda intooda badan waa dad raba ama ay ka go'an tahay ineey hormuud u noqdaan dowladnimo xoogan oo ka hanaqaadda geyiga Soomaaliya, hayeeshee caqabadaha horyaalla ayaa ah kuwo aan qormo lagu haleeli karin.

Tallaabooyinka wax ku oolka ah ee la taaban karo waxaa kamid ah dadaallo Reysal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisu ay sameeyeen islamarkaana ay xuriyaddooda ku heleen in kabadan 100 ruux soomaali ah kuwaas oo ku xernaa dalka Itoobiya iyo kuwa kale oo wali la wado qorshahooda sii deynta oo ay ka mid yihiin dhalinyaro ku xeran Dalka India.
Muwaadiniin laga keenay xabsiyada Itoobiya
Ifafaallooyinka wanaagsan waxaa kamid ah dhacdadii horaantii todobaadkii tagay markii muwaadin gaarigiisa wata islamarkaana ay u dhameystiran yihiin shuruudihiisa isticmaalka wadada iyo shuruucda wadida gaadiidka si sharci darro ah looga qaatay lacag aan sal iyo raad toona laheyn, hayeeshee muwaadinkaasi uu dacweeyay sarkaalkii sidaasi sameeyay ee ka tirsanaa ciidamada waddooyinka.

Kadib baaritaanno ay sameeyeen madaxda dowladda ayaa la ogaaday in lagu gardarooday muwaadinkaas waxana xilkii laga qaaday sarkaalkii falkaasi sameeyay walina xabsi loo taxaabay. Sidoo kale waxa jiray isu soo bixii xoogsatada mootooyinka bajaajta ee uu hor yimid Gudoomiya Gobolka Banaadir muadane Thabit, Taasoo noqotay arrin rajo gelisay Shacabka.

Nidaamka is dhageeysiga oo ku yaraa dowladihii hore ayaa mooddaa inuu soo ifbaxayo waxana jira cabsiyo la xiriirta in tallaabo laga qaado dadka ku awood sheeganaya mansabka ay dooladda ka hayaan.
Godoomiye Thabit oo lahadlaya Dibad-baxayaasha Bajaajleeyda
Iyadoo ay jirto ififaalahaas wanaagsan ayaa haddana waxaa barbar socda qolyo diidan midnida iyo wada noolaanshiha umadda Soomaaliyeed kuwaasoo doonaya ineey garab istaagaan danbiilayaal danbiyo galay, waxana ay doonayaan ineey dhantaalaan nabaddan yar ee udgoonkeedu ina soo galay iyagoo ku owr kacsanayo reer hebel in la dulmiyay iyaga uunna la bartilmaameedsanayo.

Soomaalidu waa dad wada dhashay islamarkaana guur wadaag ah, hayeeshee waxa kala irdheeyay waa qabyaalad maankooda ay ku abuureen imaanlaawayaal dan shacab iyo mid qaran  midna aan ixtiraamin.

In qabyaaladdu daxal tahay, Darxumiyo abaar tahay, Qarankana u daran tahay, Dib udhaca ka koow tahay, Ninka diidan wa kuma?

Dadaalka madaxda Dowladda waa mid muuqda, dadaalkaasina ma aha mid maalmo qudha lawada gaadhi karo, hayeeshee si ay u dhameeystirmaan hannaanka dowladnimo waxaa inala gudboon inaan duco iyo dadaalba lagarab galnaa. Soomalidu waxa ay tidhaa " Gacmo wadajir beey wax ku gooyan". Muwaadin adna geestaada qabo.



 #Nabad_Iyo_Nolo

Sadaam Abdi
mcsadaam@Gmail.com

Muqdisho - Soomaaliya

2 comments:

  1. sxb waa runtaa waa in hori loo socdaa oo ay soomaalidu qabiilka qurunkiisa meel iska dhigaan qabiil wan ognahay meesha uu na dhigay
    adigana waxaan ku leeyahay meshaada ka wad wacyi gelinta

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid walal Cabdifataax, hubaal weeye in horumar wanaagsan lagaari karo haddii lahelo shacab iyo dowlad hal dan wada ilaashanaya. Waad ku mahadsantahay dhiirogelintaada.

      Delete