Halkani waa goob ay siweyn u garanayaan Dhamaan reer Jowhar iyo cidkasta ee
tagtay magaalada Jowhar.Waa salax dhagax ah ee isa dul saaran sida jaran-jarada
Sedex jeer ee ku dhexyaal wabiga dhexdiisa.
Waxaa dhisay Gumeeystihii Talyaaniga oo ugu tala galayay ineey
biyo hakin u noqoto beerihii Qasabka ahaa ee laga sameyn jiray Sonkortii ay soo
saari jirtay Warshaddii Sonkorta Isnaay "SNAI", sidoo kalena ay ka
faa'ideystaan beeraleeyda kle.
Waxaa loo yaqaan "Xiintooyda" , magacaasi waxa uu ka
tarjumayaa dhawaqa ay sameeyso marka wabigu biya yareeyo islamarkaana buuqa
magaaladu dago sida Habeen badhka. Waxa ay sameeysaa dhawaq magaalada inteeda
badan laga maqlo.
Waxa ka baxa dhagaxa kahor laba Kanaal oo midina uu dhanka bari
u biyo qaado midna dhanka Galbeed, kanaaladaasi biyo la'aan ma noqdaan inta
wabigu biyo sido sikasta uu u biya yareeyana iyagu biyo ayeey leeyihiin, marka
laga reebo biyaha wabiga oo dhammaada sida labadii sano u danbeysay dhacday.
Beeraha ku teedsan labadaasi Kanaal waxa ay ka qiimo badan
yihiin beeraha kale oo dhan, maadaama xilli kasta loo heli karo biyo lagu
waraabiyo dalagyada.
Jowhar oo caan ku ah dalagga bariiska islamarkaana ah dalag u
baahan biyo badan ayaa intooda badan waxa lagu beeraa agagaarka labadaasi
kanaal ee aan kor kusoo sheegay taasoo ahmiyad gaar ah u yeeleeysa beerahaasi.
Waa qormo aad u muhiim ah lana qoray xili baahi wayn loo qabo inan barano dalkeena'mahadsanid #Sadam Abdi
ReplyDeleteAdigaa mudan saaxiib qaali ah Adam Osman. Waa muhiim in la baro Umadda Soomaaliyeed deegaanada aan garaneeyno.
Delete